Xildhibaan Dhalinyaro ku sheegay Somalidii ku kulatay shirkii Turkiga

    18
    0
    SHARE

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib wada hadalo muddo saddexdii maalmood ah ku dhex marayay Istanbul, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Turkiga.

    Ergooyinka labada dhinac ka kala socday ayaa kala saxiixday qodobo dhowr ah, waxaana ay isla garwaaqsadeen Road Map ama qariirad loo jeexay in wada hadalada sii socdaan, iyagoo ku heshiiyay in muddo sagaashan maalmood gudahood la isku soo laabto dalka Turkiga.

    Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in 45 maalmood gudahood lagu magacaabo Gudi labada dhinac ah oo mideysan, kuwaasii si xogheyn ah u shaqeynaya, isla markaana saldhig ka dhiganaya dalka Turkiga.

    Gudigan mideysan ayaa waxay isla eegi doonaan si ambaqaadida wada hadalada iyo inay la socdaan waxyaabihii ka soo baxay shirarka labada dhinac u socda.

    Waxaa kaloo qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in labada dhinac ay si wada jir u cambaareeyaan tacadiyadii dowladdii Milateriga u geysatay Somaliland, iyadoo labada dhinac ay ahaayeen kuwo xalay ku kala tagay fadhiga, markii Ergadii ka socday Somaliland ay dalbadeen in tacadigii dowladii Milateriga ay geysatay loo aqoonsado xasuuq, balse ergada dowladda ay ka biya diideen.

    Xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud ayaa soo dhaweeyay wada hadaladaasi isagoo dhinaca kale sheegay dadka u matalaya labada dhinac wada hadalada inay yihiin kuwa aan waxba kala socon arimihii dhinacyadii horay u dhex maray balse la doonayo in la keeno dad aqoon u leh wixii ay markii hore isku qabteen.

    Xildhibaanka ayaa xusay horay inaysan u dhici jirin in la iskugu Yimaado Hotel muddo ka badan 22 sano waxaana uu guul ku tilmaamay markale labada dhinac inay kulmaan.

    Leave a Reply