Xildhibaan Xoosh Jibriil Oo Ku Eedeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Inu Caburiyey Raiisal Wasaaraha

    15
    0
    SHARE

    kadib markii maalintii shalay Barlamaanka Somalia uu meel mariyay Golaha wasiirada ee xukumadda Somalia ayaa Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo kamid ah Barlamaanka Somalia horayna usoo noqday Wasiirkii Dastuurka Xiligii KMG waxa uu eedeyn usoo jeediyay Madaxweyne Xasan shiikh Max’uud.

    Xildhiban Xoosha waxa uu Madaxwaynaha ku eedeyay inuu ka weecday dastuurka dalka isla-markaana si faro maroojin iyo macangagnimo u af duubay awoodi raysal wasaaraha cusub ee u dhawaanta soo magacawday, waxuuna Xoosh sido kale isagoo gadoodsan tilmaamay in Madaxweyne Xasan Shiikh u noqday nin horseedaya maamul keli-talis ah oo uun danihiisa ilaalsanaya.

    Gurxankiisa Xoosh waxa kale oo uu ku sheegay in Madax weynaha uu sameystay labo Madaxweyne ku-xigeeno oo uu tilmaamay in mid ka mida uu Barlamaanka u fadhiyo halka midka kalana uu shacabka ugu dhex jiro.

    Leave a Reply