xilligii-shabaabku-u-qabteen-mamnuucidda-mobile-lada-internet-ka-oo-maanta-ku-eg

    26
    0
    SHARE

    Wararka ka Imanaya Deegaanada  Xarakada Al-shabaab ey Gacanta ku Hayaan ayaa sheegaya in la Arkayo ciidamo gaaf wareegayo goobaha Magaalooyinka ah iyo xarumaha shirkadaha isgaadhsiintuku leeyihiin halkaasi, waxana jira Baadhitaano lagu Hayo cidda lagu arko iyadoo adeegaas isticmaalaysa.

    Deegaano hoostaga Baar-dheere oo gobolka Gedo ah iyo Baraawe oo gobolka Shabellaha hoose ah ayaa laga dareemayaa in la jaray isticmaalka Mobilada internet-ka laga isticmaalo taasi oo caqabad weyn ku noqon doonta dhalinyarada Somaliyeed.

    Al Shabaab ayaa culeys weyn oo ka dagay u arka mamnuucista adeega mobil internet-ka ah waxaana la tilmaamayaa in shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya internet-ka ay hadda heysato labo daran mid dooro maadama Al Shabaab iyo dawladuba labo Amar ku kala rideen.

    Wax Hadal ah kama ay soo saarin shirkadaha isgaadhsiintu Caqabadahan ka soo kordhay dhinaca Xarakada Al-shabaab, waxase la hubaa inay ku khasban yihiin inay U Hoggaansamaan Go’aanadan, maadaama Xarakada Al-shabaab Ay sheegtay inay u aqoonsan doonto Dad cadow la shaqaynaya.

     

    – W/Q/ by sharaawe

    Leave a Reply