Wednesday, January 17th, 2018

XOG CULUS: FARMAAJO, KHEYRE & JAWAARI OO QORSHE U DAGAY XILDHIBAANADA MUCAARADKA KU AH DF.

Published on December 23, 2017 by   ·   No Comments

Xog hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Villa Somalia ay ku kulmeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

 

 

Kulanka seddexda mas’uul oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlaayay culeysyada dowlada kusoo kordhay Waqtiyadii ugu dambeeyay, waxaana caro xoogan ay ka muuqatay Madaxweyne Farmaajo.

 

Seddexda mas’uul waxa ay isla soo hadal qaaden dhinacyada ay kaga yimaadeen culeysyadii ugu dambeeyay ee dowlada jahwareeriyay.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka uga waramay waxa uu salka ku hayo culeyska lagu hayo dowlada waxa uuna bidhaamiyay inay jiraan dhinacyo dhowr ah oo dal daloolada muuqda uga faa’iideysanaaya dowlada.

 

 

 

Farmaajo waxa uu arrin halis ah ku sheegay in sharciyada dalka laga dhigo kuwo mar waliba loo adeegsado dowlada, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay mas’uul ka tahay dalka iyo dadka, isla markaana ay u taagan tahay inay xal u raadiso wixii dhib u ah, sidoo kalena gacan bir ah ay ku qabato Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

 

Farmaajo iyo Kheyre ayaa si wada jira Guddoomiyaha barlamaanka uga codsaday in Xildhibaanada Mucaaradka adeegsanayaan Talaabo laga qaado.

 

Waxa ay Farmaajo iyo Kheyre u ballanqaaden Jawaari inay daweyn doonaan dhammaan boogaha muuqda, balse ay xiligaani doonayaan in marka hore la qaboojiyo Xildhibaanada.

 

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa labda mas’uul u ballanqaaday inuu juhdi ku bixin doono kala dhantaalida Xildhibaanada is uruursanaaya ee culeyska ku haya dowlada.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK