XOG CULUS:Hassan daahir Aweys Warkasoo dhacay,waxa Uu u Xiran yahay Damu Jadiid

XOG CULUS:Hassan daahir Aweys Warkasoo dhacay,waxa Uu u Xiran yahay Damu Jadiid

63
0
SHARE

Tan iyo markii uu laayay Godane Culimadii fikirkiisa kasoo horjeesatay Sheekh Xasan Daahir waxaa uu nafsadiisa kala soo carary kooxda Godane oo doonaysay in Sheekha ay qaarijiyaan, isagoo Doon kutagay gobolada Dhexe ee Somaaliya gaar ahaan goobaha uu kataliyo maamul ku sheega Ximin iyo Xeeb.

Intaas kadibna waxaa Sheekha xoog magaalada Cadaado kaga soo kaxaystay ciidamada Xasan GarGuurte, iyagoo bishii luulyo 1dii xabsi ku yaala magaalada Muqdisho ay ku xirteen Sheekha Kooxda yara ee lagu magacaabo Dam Jadiid ee gacanta ku haysta isteerinka DF.

Hadaba maxay tahay sababta ururka Damu Jadiid ay xabsiga ugu hastaan Sheekh Xasan Daahir? Su ashaan si aan u ogaano waxaaynu samaynay baaritaan dheer kasoo mudo qaatay waxaana soo helnay xogag ku saabsan sababta Sheekha ay xabsiga kooxdaan yar ugu haystaan.

Sida dadka Somaaliyeed ay wada ogyihiin dalka iminka Dowlad ku Sheegta ka jirta waxaa majaraha uhaya Kooxda Dam Jadiid, arintaasina waa marqaati madoonto oo waxay kuwada jiraan Jagooyinka ugu sareeya DF, taasii oo ah mid daboolka kaqaadan oo aan ladafiri Karin marnaba.

Dam Jadiid waa koox yar oo ka farcantay urur waynaha Al- islaax wax saamayn ama taageero bulshane kuma lahan dalka Gudahiisa, waayo wax umadda Somaaliyeed ay uqabteen oo lasheegi karo majiraan marka laga reebo in talada ay maanta iyaga gacanta ugu jirta oo kaliya, iyaga markii ay Sheekha Cadaado ka keensanayeen ee ay soo xeranayeen waxaa ay kalahaayeen dano siyaasadeed oo ku aadan in ay kasbadaan Dowladaha Caalamka gaar ahaan kuwa Sheekha ay diriirta kala dhaxayso si ay u helaan taageero dhankaasi ah madaama aysan wax tageero ah kahaysan Bulshada somaaliyeed.

Lakiin waxaa ay arinta ku xumaatay Dam Jadiid markii ay waayeen Dowlad Sheekh Xasan Daahir tiraahdo danbi ayuu naga galay, taa badalkeena waxayba ka war heleen in Dowladihii ay isku halaynayeen ay ku dhawaaqeen in Sheekha uu qayb kayahay raadinta nabada Somaaliyeed tasoo caqabad wayn ku noqotay Garguurte iyo kooxdiisa, hadii aan idiin xasuusiyo bishii luulyo ee sanadkii tagay waxaa uu kulan kadhacay magaalada Nayroobi, kolankaasi waxay Dowladaha qaar ku sheegeen in Dowlada iyo ergo ka socotay Sheekh Xasan Daahir ay silaba geesood ah uwada fariistaan Dowladahana ay dhex dhexaad ka noqdaan sidaa ayuuna kulankii ku qabsoomay, tasoo jabisay hamigii kooxda Dam Jadiid, isla markaana ku furtay waji Siyaasadeed oo cusub.

Dowladaha qaarna waxayba sheegeen in Sheekha uu umadax banaanyahay Siyaasadiisa isla markaana ay gacan kasiinayaan in uu Siyaasadiisa mucaaradnimada uu sii wato xaqna uu uleeyahay in uu Fakarkiisa kutaagnaado.

Markii intaa ay soo baxaday Xasan Garguurte waxaa uu yiri hadal Cajiib ah oo laga soo warirayay mid ka mid ah Xokeeya yaashiisa, hadalkana waxaa uu ahaa sida tan “Xasan Daahir hadii Muqdisho aan ku dhex dayno waxaa uu ku dhawaaqayaa urur cusub taageerana wuu leeyahay marka waxaa magaalada Muqdisho katalinaya laba madax wayne oo uu ula jeedo isaga iyo Sheekh Xasan Daahir”Waxaana arintaasi aan kasoo xiganay ruux ku dhaw Xasan Sheekh.

Hadaba markii aad u fiirsato xaalada sida aytahay Kooxdaan Dam Jadiid waa koox aan taageero badan kulahayn Bulshada lakiin Sheekh Xasan Daahir waa nin diimeed caan ka ah dalka iyo dibada siyaasdiisana waa ay cadahay oo waxay ku qotantaa dalka Somaaliya in ay ka dhalato xukuumad Islaami ah oo ku dhaqda bulshada Somaaliyeed shareecada Islaamka taasina waxaa uu usoo halgamayay mudo sanado ah oo dadka Sheekha ku dhaw dhaw ay sheegaan ilaa 45sano.

Waxaase hubaal ah in caburinta siyaasadeed aysan keenayn in xukunka Dam Jadiid ay sii hayaan wadankana dadka Somaaliyeed way wada leeyihiin cid walibana waxay xaq uleedahay Fakarkeeda in ay soo bandhigto lana arko taageerada ay u hayaan Shacabka Somaaliyeed .

Haday Dam Jadiid Sheekh Xasan Daahir Aways sii hayaan waxaa sii kordhaysa taageerada ay shacabka Somaaliyeed Sheekha uhayaan, hadii ay soo daayaana waxaa bilaabanayso in xukunka aysan kaligood lahayn oo shacabka ay xur uyihiin in ay taageeraan cidii ay ku kalsoon yihiin.

W/Q. Zaynul Caabidiin

Leave a Reply