XOG: DF oo shaqada ka ceyrisay in ku dhow 3,000 oo askari...

XOG: DF oo shaqada ka ceyrisay in ku dhow 3,000 oo askari iyo saraakiil

9
0
SHARE

Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyrisay 2,800 oo askari kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil sar sare, kaddib markii lagu heley fadeexad ah in isbaarooyin yaalla gobalka Shabeellaaha Hoose ay maamulan ama ay wax ka ogyihiin.
Ciidamo intan la eg maxaa loo ceyriyay?
Ilaha Warkan aan ka soo xignahay ayaa noo sheegay in ciidamada iyo saraakiisha la ceyriyay markii horre dowladda ay ku soo galeen qaab beeleed oo kale, dadbadeedna markii ay ku biireen ciidamada in ay sii wateen qaadashada lacago ay ka qaataan Isbaarooyin faro badan oo teed waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiisha maxay galabsadeen?
Saraakiisha la ceyriyay ayaa la ogaaday in ay raali ka yihiin isbaarooyinka lacagaha baada looga qaado darawalada adeegsada waddada Muqdisho iyo Afgooye, iyaga waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho balse lacagta ayaa loo keenee qayb ka mid ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan baaritaan xoogan waday kaddib markii ay soo bateen cabashooyinka ku aadan dadka ku safra waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo la soo dhigay isbaarooyin fara badan.
Arrinta maxaa isbadal oo ay sameysay?
Wariyaal ku sugan maanta waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa soo sheegay in wax isbaaro ah aysan maanta ku arkin halkaas kaddib markii dhammaan wixii isabaarooyin la qaaday isla markaana la ceyriyay ciidamada iyo saraakiisha joogay goobahaas, waxaana la geeyay ciidamo cusub.
Go’aanka dowladda ay shaqada uga ceyrisay ayaa wuxuu dhaliyay in saraakiil iyo ciidamo ku tiirsanaa isbaarooyinka in la yimaadaan isbadal si aan loo xayuubin.
Dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan la qaatay guddiyo ay lee yihiin beeraleyda gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe kuwaasoo ka warbixiyay dhibaato ay ku qabaan ciidamada dowladda waxaaba ay sheegeen kuwa Al-Shabaab in ay ka ammaan badan yihiin.

Leave a Reply