Xog Hoose: Adeegga Internetka oo Alshabaab ay ogalaatey waa maxay Sababtu??

Xog Hoose: Adeegga Internetka oo Alshabaab ay ogalaatey waa maxay Sababtu??

23
0
SHARE

Shirkado ku yaalla Soomaaliya ayaa bixiyay lacago Alshabaab ay codsadeen si Internetka loo soo galiyo Soomaaliya(Fibro Obtic).

Xog la helay ayaa sheegaysa in deegaanno kamid ah woqooyiga Soomaaliya laga hir-galiyay adeegga Fibro Obtic kadib wada hadallo dhex-maray Alshabaab iyo shirkado ku yaalla Somaliland iyo Bankiga Dahashiil.

Lacago Xarakada Alshabaab horay u weydiisteen ayay bixiyeen sidaasi ayaana lagu ogalaaday, waxaana si caadi ah uga shaqeynaya magaalada Laascaanood oo la geeyay Internet-kii ay wada sugayeen umadda Soomaaliyeed.

Dahabshiil ayaa sidoo kale la ogaaday inay bixisay lacago Alshabaab ay horay u weydiisteen isla markaana iyana waa ay bixisay sida shirkadda ka howlgasho Somaliland ay u dhiibtay ayuu u shubay milkiile kamid ah Dahabshiil Soomaaliya.

Adeegga Internet-ka ayaa horay looga mamnuucay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kadib markii Alshabaab ay diideen kuna xireen hirgalintiisa lacago baad ah oo ay dalbadeen in la siiyo.

Leave a Reply