Friday, December 15th, 2017

XOG LAHELAY: BAARLAMAANKA OO SHAQADA KA ERYI DOONA WASIIRKA AMNIGA GUDAHA EE SOOMAALIYA

Published on November 20, 2017 by   ·   No Comments

Warar si hoose ay u heshay wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in baarlamaanka Soomaliya gaar ahaan golaha shacabka uu doonayo in shaqada ka eryo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa si hoose ugu sheegay wakaaladda wararka ee Warqaad.com in hadda la diyaarinayo mooshinkii shaqada looga eryi lahaa wasiir Islow.

 

Waxay sheegayaan mudanayaashan in wasiirka Labo arrin kaliya loo eryayo, waxayna kala yihiin arrinta ku adaneyd qaraxii Zoobe iyo sidoo kale dhiibistii Qalbi Dhagax.

 

Marar badan waxaa jiray talooyin la siiyey wasiir Islow kuwaasi oo ku aadan inuu is casilo, hase ahaatee aanay suurtagelin.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK