Saturday, November 18th, 2017

XOG RASMI AH: MUKHTAAR ROOBOW OO MAANTA MUQDISHO KA TAGAYA, HALKUU KU JEEDAA.

Published on September 11, 2017 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta Magaaladaasi uu tagayo Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-shabaab hayeeshee 15kii August 2017 sheegay in uu mar hore ka baxay Al-shabaab iskuna dhiibay Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin ayaa xaqiijiyay in maanta uu Magaaladaas tagayo Abuu Mansuur oo ay la socdaan Xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare oo ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegayaa in uu Abuu Mansuur iga yeeray Bayadhaba,halkaas oo la filayo in ay kulan ku qaataan.

 

Abuu Mansuur ayaa horay dowladda uga dalbaday in ay siiso hub uu kula dagaallamo Al-shabaab isaga oo ku dhawaaqaya Jameeco cusub oo lagu magacaabo Jameecada Islaamka.

 

 

 

Dowladda Federaalka ah ayaa ka biya diidday,waxaana jira wadahadal wali u socda Dowladda Federaalka ah iyo Abuu Mansuur oo la xiriira Mustaqbalkiisa maaddaama uu yahay hoggaamiye sare oo horay uga tirsanaa AL-shabaab haddana u soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK