Saturday, November 18th, 2017

XOG: SHABAAB OO QORSHE HALAAG AH U DEGTAY MUKHTAAR ROOBOW.

Published on September 12, 2017 by   ·   No Comments

Xog ay heshay wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Ururka Al shabaab ay qorsheynayaan weerar Halaag ah in ay ay ku qaadaan Ciidamada Mukhtaar Roobow.

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa dowlada Soomaaliya u balanqaaday inuu dagaal xoogan la gali doono ururka Al shabaab uu sheegay inay xasuuqeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ka codsaday dowlada Federaalka ay ku taageerto Lacag iyo Saanad Militari si uu burburiyo haraaga Al shabaab.

Hadaba Shalay markuu gaaray Abuu Mansuur magaalada Baydhabo waxaa laga helay Weerar ay qorsheynayaan Al shabaab inay kula dagaalamaan isaga iyo ciidankiisa.

Dagaalyahano ka tirsan ururka ayaa ku dhuumaaleysanaya halka ay ku sugan yihiin ciidamada Mukhtaar Roobow, waxayna doonayaan marka hogaamiyahooda uu la kulmo inay weerar qorsheysan ku soo qaadaan.

Mahad Karataay oo ah Shaqsi miisaan ku dhex leh ururka Al shabaab si weyna ay isku yaqaanaan Mukhtaar Roobow ayaa hogaamin doona mar kale weeraro lagu qaado Abuu mansuur wuxuu hore ugu fashilmay weerar ay doonayeen inta uusan dowlada isku dhiibin inay ku dilaan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK