XOG SIR AH: Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Abgaal...

XOG SIR AH: Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Abgaal & Habargidir

143
0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu isugu yeeray Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kasoo jeeda Beelaha Abgaal iyo Habar gidir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadli doona Siyaasiyiintan oo qaarkood xilalka soo qabtay iyo Waxgaradka labadaan beelood arrimaha Amniga Caasimada Muqdisho iyo sidii loo abuuri lahaa kacdoon looga soo horjeedo Al shabaab.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegayay in Beelaha Abgaal iyo Habar gidir aysan ku qanacsaneyn habka ay wax u wadaan Farmaajo iyo Kheyre.

Waxayna ka careysan yihiin laba arrimood oo kala ah Maqaamka Gobalka Banaadir oo wali meel aan la saarin iyo Waddooyinka oo si joogto ah loo xiro.

Kulankan oo ka dhici doona Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la arki doonaa wixii kasoo baxa, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo inuu sameeyo isbedelo dhanka amniga hadii ay ahaan laheyd in xilalka laga qaado Masuuliyiinta loo arko inaysan si wanaagsan u shaqeyneyn iyo in la abuuro Jawi Dowlada iyo Beelaha ku xoogan Muqdisho ay wada shaqeyn fiican ku yeelanayaan.

Leave a Reply