Xog Sir ah: Madaxweyne Waare iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Xiisad soo...

Xog Sir ah: Madaxweyne Waare iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Xiisad soo kala dhex gashay

91
0
SHARE

Maamulka Hirshabeelle ayaa hore kaga laabtay Go’aankii ay la qaateen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ahaa inay xiriirka u jareen Dowlada Federaalka Soomaaliya tan iyo markaasna Madaxweyne Waare kama uusan qeyb galin kulamada Maamul Gobaleedyada.

Madaxweynahaha Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday in aanu sharci aheyn shir maamulkiisa ka maqan yahay inay isugu yimaadaan Maamul Gobaleedyada kaasi oo la doonayo in lagu qabto Puntland.

Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Jowhar ayuu Madaxweyne Waare sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka kooban yahay shan maamul, isagoo xusay in aanu sharci aheyn go’aan ama talo ay gaar u gaaraan afar maamul

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nasiib darro ay mowqifkooda ka gedi waayeen Golaha Iskaashiga, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ku raaci waayaan, balse aanay xaq u laheyn inay go’aan ka maqan tahay Hirshabeelle.

Waxaa uu soo hadal qaaday shirka ka dhacay Nairobi oo uu xusay in aanay matalaad ku laheyn Hirshabeelle, isla markaana aanay ka warqabin waxa lagu wado magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

“Xaq ayaad u leedihiin in maamuladiina aad go’aan u gaartiin, laakiin talo kuma biirin kartaan anagoo ka maqan Hirshabeelle wax danaheeda ah, wixii wanaag ee la rabo waa soo bixi doonaan, shirka Nairobi wax matalaad kuma lihin, mana ka warqabin”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa bishii horay ka baxay go’aankii maamul goboleedyada ka soo saareen Shirka Kismaayo, kaasoo ay xiriirka ugu jareen dowladda Federaalka, waxaana uu dhankiisa heshiis la gaaray dowladda Federaalka, hase ahaatee Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada ayaa sheegay in aanay quseyn heshiiskaas.

Leave a Reply