Thursday, February 22nd, 2018

XOG: TALIYE KA TIRSAN CIIDANKA MAAMULKA SOMALILAND OO LA JIIRSIIYAY GAARI KADIBNA HALKAAS KU GEERIYOODAY.

Published on January 31, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gaari la jiirsiiyay taliyihii ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer  Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

Sida aan Wararka ku helnay Taliyaha ayaa xili howshiisa shaqo ku jiray waxaa la marsiiyay gaari si xowli ah u socday, waxaana taliyaha oo dhaawac culus soo gaaray ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay ninkii waday gaariga taliyaha lagu dilay, waxaana la baarayaa dilkan in uu ahaa mid ku tala gal ah iyo in uu yahay mid si kam ah u dhacay.

Magaaada Burco ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka taliyaha ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dhimashada sargaalkan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK