Xulka Soomaaliya oo dhalisey Gool taariikhda adduunka galay Ciyaaraha Barafka Aduunka(Daawo Sawirada)

Xulka Soomaaliya oo dhalisey Gool taariikhda adduunka galay Ciyaaraha Barafka Aduunka(Daawo Sawirada)

108
0
SHARE

Ciyaarta xeegada ee barafka ee horyaalka Auudnka 2014 ayaa ka socda Sibeeriya oo kamid ah meelaha dunida ugu qaboow dalka Ruushka.

Taariikhda ciyaarta Bandy ama xeegada lagu ciyaaro barafka dushiisa ayaa kooxdii ku ciyaareysey calanka Soomaaliya markii u horeysey gool Soomaaliya dhaliso ciyaarta Bandy ay keeneen, inkasta oo ciyaartii maantey dalka Jarmalku ka guuleystey.

Ciyaartii u horeysey ee kooxda Soomaalida ah ciyaaraan ayey isaga hor yimaadeen dalka Jarmalka, Ciyaarta ayaa ahayd mid aad ugu culus Kooxda Soomaaliya qaybtii hore ee ciyaarta ayaa laga dhaliyey Soomaaliya 0 -9 gool laakiin iyada oo aan weli dhamaan ayaa ciyaaryahanka Anwar Xareed uu keeney goolkii taariikhda galay, Inkasta oo tageerayaal badan o Soomaaliyeed joogin haddana waxa uu ahaa gool Ciyaaryahandu si weyn ugu dabaaldegeen uguna farxeen

Xulka Barafka 1 Xulka Barafka 2 Xulka Barafka 3 Xulka Barafka

Ka muuqashada calanka Soomaaliya, dharka buuluga iyo caddaanka iyo goolkii u horerysey ee taariikhda Soomaaliya ku dhaliso ciyaaraha caynkan oo kale ah ayaa la dhihi karaa waa guul, waxaa la yiraahdaa “Muhimaddu guul maaha ee waa ka qayb-qaadasho”.Mmaalinta berri ah ayaa kooxda Soomaaliya la ciyaareysaa dalka Japan.

Kooxda Soomaaliya ayaa ah dhalinyaro degan dalka Sweden waxaana ay ka dhisan yihiin magaalada Borlänge.

Ciyaarta Bandy ayaa ah mid u dhaw midda loo yaqaan Hockey, Waxaa lagu ciyaaraa kabaha mindida hoos ka ah waxaana gacanta lagaga ciyaaraa xeegada, waa ka garoon weyn tahay Hockey, waxaana lagu ciyaaraa garoon furan, Dalalka ku yaala Waqooyiga Yurub ayaa si weyn looga xiisaayaa, gaar ahaan dalka Sweden.

Leave a Reply