Sunday, September 24th, 2017

YAA KU TARTAMAYA DOORASHADA GUDOONKA AQALKA SARE EE GOORDHAW KA BILAABANEYSA MUQDISHO?

Published on January 22, 2017 by   ·   No Comments

Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka bilaabato Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya , waxaana hada socota qaban qaabada Doorashada Gudoobka Aqalka sare ee bilaabaneysa.

 

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Doorashada Gudoonka Aqalka sare ka dhaceyso, waxaana wadooyinka lasoo dhoobay ciidamno aad u badan.

 

Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee goordhaw ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ayaan xiiso sidaa u badan laheyn marka loo fiiriyo Dooarsahdii Gudoonka Baarkamanaka Aqalka hoose iyo tan Madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan dhacdo.

 

 

Waxaa ku tartamaya Doorashada Gudoonka Aqalka sare 16-Musharax oo katirsan Aqalkaasi kuwaa uu mid waliba uu quud dareenayo in uu kusoo baxo kursiga uu u tartamayo, waxaana doorashada ugu adag ka dhaceysa Gudoomiye kuxigeenka koobaad.

 

 

Gudoomiyaha Aqalka sare waxaa ku tartamaya labo Musharax kaliya oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, waxaana inta badan la saadaalinayaa in Gudoomiyaha uu ku guuleesan doono Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi.

 

Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ayaan wali la saadaalin karin, waxaana kursigaasi ku tartamaya Siyaasiyiin saameyn badan ku dhax leh siyaasada, waxaana qaarkood taageero ka helayaan dhinacyo kala duwan.

 

 

Halkan ka Akhriso Magacyada 16-ka Musharax ee maanta tartamaya.

Gudoomiyaha Aqalka sare

1-Cabdi Xaashi Cabdulahi,

2-Mustafa Maxamamud Qodax

Murashaxiinta Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqlka Sare:

Xasan Faarax Xujaale

Axmed Xaashi Maxamud

Cabdiwaxid Ilmi cumar Qoonjeex

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)

Cabdi Axmed Dhuxulow I(Dhagdheer)

Maxamud Axmed Mashruuc

Cabdirisaq Cusmaan Xasan Jurille

Murashaxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2aad Ee Aqalka Sare:

Hodan Maxamud Cusmaan

Cusmaan Axmed Macow

Fartun Cabdiqadir Faarax

Sacdiyo Xasan Csumaan

Cabdikafi macalim Xasan

Mowlid Xussein Guhaad

Iftin Xasan Iman

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK